U bood dhigaalka

Weerar Lagu Qaaday Hoteel Ku Yaalla Bartamaha Kabul

Sheeko:Dalka

Afar qof oo hubesan ayaa weerar ku qaaday hotel ku yaallo magaalada Kabuul ee caasimadda Afghanistaan sida ay sheegeen mas’uuliyiin Afghani ah.

Hotelka ayaa waxaa lagu magacaabaa InterContinental ciidamada gaarka ah ayaa dilay labo ka mida dadkii weerarka soo qaaday sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha oo lagu magacaabo Najiib Daanish waxaa uu intaasi ku daray inuu socdo baadi goobka labada kale.

Kooxaha hubeysan ayaa xoog ku jiiray hotelka waxayna xabado ku fureen shaqaalaha waardiyaasha martida hotelka waxayna ku qarxiyeen bombooyinka gacanta laga tuuro.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in todobo qof oo dhaawac ah loo qaaday Isbitaalka,labo ka mida dadkii weerarka soo qaadayna la dilay.

Hotelk InterContinentala ayaa ah mid ka mida hoteelada ugu weyn ee ku yaallo bartamaha magaalada Kapuul,waxaana adeegsada mararka qaar dowladda oo ku qabsato shirarka iyo kulamada rasmiga ah.

Warbixinnada qaar ayaa waxay sheegayaan in hotelka uu ka socday shirk u saabsan Teknoloojiyadda oo ay soo qaban-qaabisay xukuumadda waqtiga uu qaraxa dhacayey.

Ururka Daalibaan ayaa weeraray Hotelkan sanadkii 2011, waxaana lagu dilay 20 qof oo 7 ka mida ay yihiin dadkii soo weeraray.