U bood dhigaalka

Weerar Lagu Qaaday Hoyga Mas’uul Ka Tirsan Maamulka Degmada Baardheere

Sheeko:Dalka

Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa ay weerar ku qaadeen hoyga madaxa mashaariicda degmada Baardheere Maxamed Xuseen Ganey.

Ciidamada ilaalada u ah mas’uulkaasi ayaa la sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday ku dhawaad Saacad.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalkaasi, waxaana ugu dambeyn halkaasi dib uga laabtay dagaalyahannadii Al-shabaab ee weerarka kusoo qaaday mas’uulkaasi.

Dhinaca kale ciidamada Al-shabaab ayaa isla xalay weerar ku qaaday fariisin ay ciidanka Itoobiya ku leeyihiin garoonka degmada Baardheere, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal isna saacado socday.

Qof ku sugan degmada Baardheere ayaa inoo sheegay in habeenkii xalay ahaa degmadaasi oo dhan jawi ahaan uu aad u kacsanaa.

Habeen kahor ayaa sidaan oo kale degmada Baardheere waxaa uga dhacay dagaal u dhaxeeyay Al-shabaab iyo AMISOM, waxayna sababeen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Al-shabaab ayaa xoojisay weerarada ay ku qaadeen mas’uuliyiinta degmada Baardheere iyo sidoo kale ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News