U bood dhigaalka

Weerar Lagu Qaaday Saldhig Ciidan Oo Ku Yaalla Magaalada Mombasa, Kenya

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday saldhig ay ciidanka Kenya ku leeyihiin magaalo xeebeedka Mombasa, halkaasi  oo khasaare uu ka dhashay.

Saddex haween ah ayaa la sheegay in ay weerarkan ku qaadeen saldhigga kuwaasi oo ku hubeysaa Mindi iyo dhalo lagu shubay Shidaal kadibna dab lagu shiday.

Peterson Maelo oo ah taliyaha ciidanka Booliiska Kenya ee Mombasa ayaa sheegay in ciidanka ay toogteen haweenka weerarkaan soo qaaday, islamarkaana falkaan uu ahaa mid argagaxiso waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu taliyaha xaqiijiyey in goobta ay ku dhaawacmeen Labo ka mid ah saraakiisha ciidamada Kenya.

Taliyaha ayaa sheegay in haweenkan ay kusoo galeen saldhigga iyaga oo iska dhigaya in Taleefanno gacanta ah laga xaday, ayna doonayaan in dacwad laaga qoro.

Maelo ayaa sheegay in hadda xaaladdu tahay mid deggan, islamarkaana amniga guud ee Mombasa yahay mid aad u deggan.

Goobjoog News