U bood dhigaalka

Weerar Lagu Qaaday Xarunta Maamulka Garasbaaley

Sheeko:Amniga

Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay weerar ku qaadeen xarunta maamulka deegaanka Garasbaaley, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday.

Ciidamadii ku sugnaa xaruntaasi ayaa naloo sheegay iney iska difaaceen raggii weerarka kusoo qaaday, iyaga oo gurmad ka helay ciidamo kale oo DFS.

Dad ku dhow maamulka Garasbaaley ayaa inoo xaqiijiyey dhaawaca Laba ruux, iyadoo aan lasoo sheegin khasaare kale oo halkaasi ka dhashay.

Weerarkan kadib, ciidamada Booliiska DFS oo halkaasi gaaray ayaa sameeyey howlgal ballaaran oo ammaanka lagu xaqiijinayo, waxaana lagu soo qabtay dad badan.

Maamulka deegaanka Garasbaaley weli wax faah faahin ah ka bixin weerarkan.

Goobjoog News