U bood dhigaalka

Weerar Qaraxyo Iyo Rasaas Toos Isugu Jirta Oo Lagu Qaaday Xarun Ciidamada AMISOM Ku Leeyihiin Gedo

Sheeko:Dalka

Weerar xooggan ayaa saaka ka soconaya xero ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo halkaas oo laga maqlayo daryanka hubka waa weyn iyo kuwa fudfudud.

Wararka ka imaanaya deegaankaaasi ayaa sheegaya in rag hubeysan oo tiradooda aan la sheegi Karin ay weerareen xaruntaasi, loona meleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Xarunta weerarka uu ka soconayo ayaa ah meel ay deggan yihiin ciidanka AMISOM ee ku sugan Ceelcadde waxaana weerarkani uu billowday saaka salaaddii Subax kadib.

Qaraxyo ayaa laga maqlayaa xarunta iyo dagaal toos ah oo ka soconaya halkaasi. Lamana oga inta uu la eg yahay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac oo u badan dhinacyada dagaallamaya.

Dadka deegaanka ayaa qaarkood isaga firxaday meelaha ku dhow xarunta AMISOM ay deggan tahay si ay uga badbaadaan waxyeello ka soo gaarta dagaalka soconaya.

Goobjoog News