U bood dhigaalka

WARBIXIN GAAR AH: Weeraradii Lagu Qaaday Hoteelada Siyaad iyo Weheliye

Sheeko:Dalka

Waxay ahayd maalin jimco ah tii ugu dambeysey bisha barakaysan ee Ramadhaan, dadkuna waxa ay intooda badan markaasi galiyeen sheeygii ugu horeeyey ee afurka kadib saacado badan oo la soomanaa, waxaase markaliya la maqlay qaraxyo kala duwan oo gilgiley magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah.

Labo weerar oo mataano ah oo ay u muuqatay in hal meel laga hayay ayaa lagu qaaday labada hoteel ee kala Siyaad iyo Weheliye oo labaduba lagu yaqaano madaxda dowladda iyo mas’uuliyiinta kala duwan, waxaase markiiba weerarka ka jawaabay ciidamada dowladda oo heegan ku jirey tan iyo intii uu biloowdey Ramadhaanka.

Marka laga tago raggii iyaga isqarxiyey ee gaariga saarnaa, waxaa jirey kuwa kale oo aad u hubeysnaa oo isku dayay in ay gudaha u galaan hoteelada si ay toogasho ugu dilaan dadka halkaasi ku jirey.

Sida uu sheegey wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed illaa 12 dhamaantood ah raggii soo weerar tagay ayaa ku dhintey meesha, kuwaasoo qaar is qarxiyeen, gaarna ciidamada ay toogteen.

Saraakiisha Isbitaalka Madina waxa ay Goobjoog u sheegeen in 18 ruux la geeyey isbitaalka, mid ka mid ahna uu geeriyoodey.

Inkasta oo aysan jirin cid wali xaqiijisey, haddane tirada dhimashada dadka rayidka ah waxa lagu sheegey illaa afar qof, oo ay ka midyihiin dad dhaawacyadii gaaray u geeriyoodey.

Alshabaab afhayeen u hadlay ayaa sheegey in ay iyagu ka dambeeyeen weerarada dhacay.

Waxyaabaha weeraradan ku cusub waxa ka mid ah in ay mataano yihiin, markaliya labo hoteel la wada weeraray, halka markii hore hal meel la weerari jirey, iyo sidoo kale xiliga uu weerarka dhacay oo ah marka ay dadka ugu daganyihiin.

Tan iyo intii uu Ramadhaanka biloowdey ma dhicin weeraradii waaweynaa ee laga cabsi qabay, waxayna saraakiisha dowladda sheegeen in ay taasi ugu wacantahay hawlgalada ay dowladda sameysey iyo sida loogu diyaargaroobey in laga hortago.

Goobjoog News