Weerarkii Ka Dhacay Magaalada Mandhera (Sawirro)

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar habeenkii xalay ahaa ay rag hubeysan ka geysteen magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Abaare 2:45 ee xalay ayaa rag loo maleynayo iney ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab waxay weerareen meel ay deganaayeen dad aan u dhalan deegaanka, iyadoo weerarka uu ku billowday qaraxyo.

Inta la xaqiijiyey 6 Qof ayaa geeriyootay tiro intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Mandhera.

Ciidamada Booliiska ayaa sidoo kale la xaqiijiyey iney badbaadiyeen 27 qof oo shacaba ah, kuwaasi oo ku sugnaa halkii weerarka lagu qaadey.

Saraakiisha ammaanka weli ma aaney bixin wax faah faahin ah, balse waxay wadaan baaritaanno arrintaasi la xiriirta.
m4

m3

m2

m1
Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW