U bood dhigaalka

Wejiga 2aad ee Tallaalka Dabeysha Oo Ka Bilowday Banaadir Iyo Labada Shabeelle

Sheeko:Dalka

Tallalaalkan qeybtiisa hore oo bilaabatay December ayaa waxaa lagu talaalayaa illaa 700,000 oo caruur ah oo ku nool gobollada Banaadir, Shabeellada hoose iyo Shabeellada dhexe.

Fowsiyo Abiikar, wasiirka caafimaadka oo munaasabadda ka hadashay ayaa waxaa ay tiri “Waxaa la targeynaa caruurta ka yar 5ta sano, Soomaaliya iyada oo dal yar oo dhibaatooyin ka jireen ayey ku guuleysatay cudurka dabeesha ku dowaad 4 sano, wax sahlan ma aha wadamo inaga naga waaweyn sida  Pakistan, Afgaanistaan iyo Nageria oo kale ka mid tahay, naga dhaqaale-roon, naga xoog badan, weli kama guuleysan, inta innaga aan gaarnay ma gaarin

Steven Lauwerier,  u qeybsanaha Unicef ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay qasab tahay in la sii-joogteeyo “Kiisas ah cudurka dabeysha oo laga soo sheegay gobolka Mudug, waana midda qasbeysa in tillaabadan aan sii joogteyno.

Goobjoog News