U bood dhigaalka

Wejiga Koowaad Mashaariicda Qatar Ee Soomaaliya Oo Bilaabanaya

Sheeko:Dalka

Wasiirka Qorsheynta maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in maalmaha soo aadan la bilaabi doono fulinta wejiga Koowaad mashaariicda horumarineed ee dowladda Qatar ka fulineyso Soomaaliya.

Waxa uu sheegay wasiirka oo la hadlayey warbaahinta dowladda in mashaariicda ku baxaysa $200 Milyan in loo fulin doono si hufan, wuxuuna dhanka kale uu dowladda Qatar kaga mahadceliyey sida ay uga qeybqaadanayaan dib u dhiska dalka.

Dhanka kale, agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee horumarinta Khalifa Jassim ayaa sheegay in dib u dhis ballaaran ku sameyn doonaan waddooyin Muhiim ah, sida kuwa isku xira Muqdisho iyo Afgooye, Muqdisho iyo Jowhar, dib u dhiska xarumaha dowladda qaarkood iyo kabayaasha dhaqaalaha.

28-kii November 2017, magaalada Muqdisho waxaa heshiis ku aadan mashaariicd horumarineed ku kacaya $200 ku kala saxiixday dowladaha Soomaaliya iyo Qatar.

Goobjoog News