U bood dhigaalka

Wejiga Labaad ee shirka dhismaha maamulka K/galbeed oo laguda galay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xubnaha ka qayb galaya shirka Maamul u samaynta Gobolada Sh.Hoose Baay Iyo Bakool ayaa sheegay in la guda galay qaybta labaad ee Shirkaasi.

Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino oo ka mid ah waxgaradka ka qeybgalaaya shirkaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm in ergada loo qaybiyay Dastuurka uu yeelanayo Maamulka lagu hawlan yahay in la dhiso.

Waxa uu meesha ka saaray Malaaqa Jiritaanka wararka la xiriira in shirka laga saaray xubno ka qayb galayay shirkaasi.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in xilligaan la maraayo meelihii ugu muhiimsanaa ee shirka, islamarkaana ay ku haminaayaan in ay dhisaan maamulkaasi/

Halkaan hoose ka dhageeyso Wareysiga Malaaq Shiino.

Goobjoog News