U bood dhigaalka

Weriye Abuuja oo Maxkamad Lasoo Taagay, Laguna Eedeeyey Khiyaano Qaran, Al-shabaabnimmo iyo Dil

Sheeko:Dalka

Waxaa saaka maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida lasoo taagay weriye Maxamed Abuuja oo 5 bil oo 4 maalin dhimman xirnaa.

Maaxkamadda, marka ciidanka laga reebo waxaa saaka 5-tii subaxnimo tagay 7 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan qareennada, aabaha Abuuja, Cabdalla Muumin oo ah xogheyaha guud ee ururka saxafiyiinta SJS iyo Maxamed Cabdiwahaab oo isna ah xogheyaha guud ee SOMA.

Cabdalla Muumin, oo goordhow la hdalay Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri “ Saaka 6:40 ayey furantaay maxkamadda ciidamada qalabka sida, xeer ilaalinta ayaa eedeymo usoo jeedisay weriye Abuuja kuwaas oo lagu sheegay: (1). Khiyaano qaran (2). Ka tirsanaan Al-shabaab (3). Geysasho dil, waxaa kale oo la keenay marqaatiyo lix ah, oo 4 ka mid ah ay dhaheen ma arkin weriyaha, halka mid uu dhahay waa la isoo qasbay halka nin darawal ahaa ayey hadaladiisa is buriyeen”.

Qareennada difaacayey weriyaha ayuu sheegay xogheyaha guud ee SJS Cabdalla Muumin iney soo bandhigeen in Abuuja loo heysto qoraal uu ku qoray radio Hiigsi oo uu ciidamada uga hadlay iyaga oo su’aal ka keenay xabad horay loogu dhuftay iyo sidoo kale in labo jeer oo hore la sii daayey.

Ugu dambeyntii, garsooraha maxkamadda ayaa sheegay in la isugu soo laabto goo’aan ay maxkamadda gaari doonto.

Goobjoog News