U bood dhigaalka

Weriye Caan Ka Ahaa Dalkiisa Oo U Geeriyooday Cudurka Coronavirus

Sheeko:Caalamka

Zororo Makamba oo ah waa weriye u dhashay dalka Zimbabwe islamarkaana caanka ahaa dalkiisa waxaa ku dhacay xanuunka Coronavirus oo markii dambe keentay in xanuunkaasi uu ugu geeriyooday dalkiisa magaalada Harera ee caasimadda dalkaasi.

Sabtidii lasoo dhaafay ayay ahayd markii la geeyay isbitaalka, xilligaas oo xaaladiisa caafimmaad ay kasii dartay, waxaana sidoo kale lagu karantiilay isbitaalka guud ee magaalada Harare.

Makamba wuxuu ahaa weriye aad looga yaqaano dalkaas, wuxuuna ka dhashay qoys hanti leh.

Dalka Zimbaabwe ayaa waxaa la sheegay in qofkii ugu horeeyay ee xanuunka Corona uu ku dhacay at haatan xaaladdiisa caafimaad soo hagaageyso.

Xukuumadda Zimbaabwe  waxa aay mamnuucday in dadku ay isugu yimaadaan goobaha dadweynaha, waxaana maalmihii lasoo dhaafay marnaa kaniisadaha, bangiyada iyo suuqyada, dadkuna waxay inta badan ku sugnaayeen guryahooda.

Goobjoog News