U bood dhigaalka

Weriye Cabdimaalik Coldoon Oo Maanta Lagu Maxkamadeynayo Hargeysa

Sheeko:Dalka

Wararka aanu ka heleyno magaalada Hargeysa ayaa sheegayaa in maanta lagu wado in maxkamadda gobolka la horkeeno weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Coldoon waxaa loo heystaa taageerada Madaxweynaha federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaa loogu daray eedeymaha ah in uu meel uga dhacay qawaaniinta Somaliland iyo in uu aflagaadeeyay madaxda Somaliland.

Muddo labo bil ah ayuu soo xirnaa, inkasta oo qoyskiisa, hey’adaha xuquuqul insaanka iyo warbaahinta dalbanayaan sii deyntiisa hadana maamulka Somaliland arrintaas dhagaha waa ka fureystay.

Wararkaas, Kala Soco, Goobjoog News