U bood dhigaalka

Weriye Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa saakay ku geeriyooday magaalada Muqdisho Allaha ha u naxariistee wariye Cabdullaahi Cismaan Macalin oo ka mid ahaa howlwadeennada Telefishinka Jubbaland.

Wariyaha ayaa u geeriyooday dhawaac ka soo gaaray qaraxii ka dhacay magaalada Baladweyne,  waxaana loo soo qaaday magaalada muqdisho si loogu daaweeyo, waxaa uu ka mid ahaa 3 Saxafi oo dhacdadaasi wax ku noqotay.

Wariyaha ayaa dhaawaciisu waxaa uu ahaa mid culus waxayna sheegeen qaar ka mid ah dhaqaatiirta in dalka waxba looga qaban Karin, saakay ayuuna geeriyooday.

Goobjoog News