U bood dhigaalka

Weriye Lagu Dilay Afgooye

Sheeko:Amniga

Koox hubeysan ayaa goorsdhow dil ugu geystay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha hoose Wariye Cabdi wali Cali Online oo ahaa wakiil wareedkii radiyo Kulmiye iyo Tefeshinka Universal ee gobalka Shabeellaha hoose.

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga Univrersal Tv ayaa lagu yiri” “Kooxo Hubeysan ayaa Goordhaw ku Dilay Dagmada Afgooye Wariye Cabdi Wali Cali Online oo ahaa Wariyahii Tvga Universal ee Gobolka Shabeelaha Hoose” .

Wariyaha ayaa dhawac culus waxaa uu ka soo garay rasaastii ku dhacday taas oo sababtay inuu ugu dambeyn uu u geeriyoodo, lamana oga sababta ka danbeysay dilka loo geystay wariyaha.

Goobjoog News