U bood dhigaalka

WFP oo ka hadashay abaarta iyo Faqriga Soomaaliya (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnad ee markii magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano WFP ayaa sheegtay in uu yaraaday Saameynta Abaartii ka jirtay Soomaaliya.

Leyla Cali oo ah afhayeenka WFP ayaa wareysi ay siisay Goobjoog FM iyada oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxa ay sheegtay in xaaladda gobalada Koonfureed ee abaartu ka jirtay soo hagaagayso.

Dhanka kale waxa ay ka hadashay arimaha ku aadan faqriga Soomaaliya, maadaama maanta ay ku beegan tahay maalinta ciribtirka Faqriga ee ku asteesan 17-ka October.

Leyla ayaa sheegtay in shacabka Soomaaliya looga baahan yahay nabadda inay ka shaqeeyaan, iyada oo hadalkeeda raacisay in dalka iyo dadkaba looga baahan yahay shaqo badan ayna weli jiraan arimo badan oo horsed u ah faqriga maanta.

Goobjoog Fm