U bood dhigaalka

WFP: Raashin Dhacay Kuma Jiro Bakhaaradeena

Sheeko:Dalka

Hay’adda WFP ayaa ka hadashay raashiin shalay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa mid dhacay.

Layla Cali oo u qaabilsan xafiiska WFP ee Soomaaliya dhanka xiriirka ayaa Goobjoog News u sheegtay in aysan rumeysnayn in raashiin dhacay uu WFP u yaallo Muqdisho balse ay hubinayaan haddii WFP badeecadeeda loo keydiyey si aan wanaagsaneyn kadibna ay waxyeello soo gaartay.

“Ma Aaminsanin in wax cunno ah oo yaalla xarumaheena Muqdisho ay leeyihiin taariikh dhacday, laakiin waxaan ogaaneynaa haddii raashiinkaannaga si xun loo keydiyey islamarkaana uu hallaabay” ayeey tiri Leyla Cali

Leyla ayaa sidoo kale sheegtay in WFP ay qaadi doonto tillaabo walbo oo suurta gal ah laguna xaqiijinayo cunnooyinka gargaarka ah inay leeyihiin tayo iyo caafimaad kahor inta aan loo qeybin dadka.

Shalay waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu qabtay raashiin u rarnaa WFP islamarkaana dhacsanaa 2 sano.

Raashiinkan ayaa loo waday magaalada Bardheere ee gobolka Gedo, waxaana uu isugu jiray Galley, Saliid iyo Buskutka Nafaqada.

Goobjoog News