U bood dhigaalka

WFP oo Sheegtey in ay Heshey $45 Malyuun oo Loogu Deeqey Qaxootiga Soomaalida

Sheeko:Dalka

wfpHey’adda cunada adduunka WFP ayaa sheegtey in dalal badan ay si wanaagsan oga soo jawaabeen qeylo dhaan bishii hore u dirtey oo ahayd in raashiinkii la siinayay qaxootiga Soomaalida Kenya uu gabaabsi yahay, sidaasi darteedna gargaar lala soo gaaro.

Waxa ay hey’adda sheegtey in ay heshey lacag gaaraysa $45 malyuun oo doolar, taasina ay ka caawineysa in hey’adda dib u biloowdp raashiinkii ay kala bar dhintey ee la siinayay qaxootiga ku jira xeryaha Kenya.

Lacagtani ayaa waxaa kala bixiyey wadamada Sucuudiga, Denmarka, Maraykanka iyo Ingiriiska.

Thomas Hanson oo ka tirsan WFP ayaa sheegey in ay aad ugu faraxsanyihiin in hadda ay dib u bilaabi karaan raashiinkii horey loo jaray si loo daboolo baahida dadka qaxootiga oo ka badan nus malyuun qof.

Haweeney kale oo u hadashay hey’adda ayaa iyaduna sheegtey muhiimada ay leedahay in dalkii ay ka yimaadeen dadka qaxootiga laga shaqeeyo xasiloonidiisa si ay ugu laaban karaan.

Goobjoog News