U bood dhigaalka

WhatsApp Gaar u ah Gawaarida oo Lasoo Kordhiyay

WhatsApp ayaa dib u cusbooneysiin ku sameeyay howlaha uu qabto waxaa lagu soo kordhiyay CarPlay” oo xilliga gaariga la wado ah kaas oo shirkadda Apple u gaar ah.

Nuqulka ugu dambeysay ee adeegga WhatsApp  20.18.2, marka aad cusbooneysiin ku sameyso waxaa kuu soo galay isla markiiba adeegga “CarPlay oo dadka wata mobile-llada iPhone ay heli karaan.

Laakiin WhatsApp-ka gawaadhida ee CarPlay waxa uu kuu soo bandhigyaa un farriimaha laguu soo diro iyadoo ay kuu suurtogalayso inaad adiguna cod kaliya aad ku jawaabo, waxaana loogu talagay si darawalka aanuu uga mashquulin shaqada muhiimka ah ee kaxaynta gaariga ah.

Markii farriimaha qoraalka ah aad hesho, waxaad u bedelan kartaa akhris adigoo makarafoonka ka dhagaysanay, waxaanad ugu jawaabi kartaa cod oo qura, si mashquulkaaga loo xadido, adeeggan ayaa asal ahaan loogu talogalay in shilalka gaadiidka lagu yareeyo, maadaama badankoodu ku dhacaan taxadar la’aanta darawalka.