U bood dhigaalka

WhatsApp Oo Boqolaal Telefoon Aan Ku Shaqeyn Doonin Sanadkaan 2018

Bilowga sanadkaan 2018 shirkadda WhatsApp ayaa sheegtay in adeeggaan uu san ku shaqeyn doonin qaar ka mida telefoonnadii uu horay ugu shaqeyn jiray waana go’aan ka soo baxay shrikadda.

Shirkaddaan oo raacsan Facebook ayaa joojisay inay WhatsAppka uu ku shaqeeyo qaar ka mida telefoonnadii hore waxaana lagu yari war ka soo baxay shirkadda “Waxaa loo naqshadeeyay tiknoloojiyad cusub oo aan la qabsaneynin qaar ka mida telefoonnadii hore inay ku shaqeeyaan”.

Telefoonnada aan ku shaqeyn doonin adeegga WhatsAppka waxaa ka mida telefoonnada leh adeegyada OS,10,Nokia 60S.

Sidoo kale waxaa jira telefoonno kale oo uusan ka shaqeyneynin sanadkaan 2018 kuwaas oo kala ah Nokia 40S Android 2.3.7