U bood dhigaalka

WHO oo Ka Digaysa Awoodda Faafitaanka Viruska Cronavirus

Sheeko:Caafimaadka

Hay’adda caafimaadka adduunka WHO oo si gaar ah isha ugu haysa isbeddelka iyo saamaynta maalin kasta ka dhalanaysa cudurka dunida halakeeyey ee Corona Virus ayaa si adag uga digtay awoodda faafitaanka cudurkaas, waxayna tilmaantay in cudurku uu sii kordhayo marba marka ka danbaysa, taasoo tilmaamaysa in awoodda faafitaanka Crona Virus ee dunida oo dhan ay tahay mid aad u sarraysa.

Warbixino kala duwan oo ay soo saartay ayay qayb ka mid ah waxay ku tilmaantay in cudurka Crona uusan gaarin meeshii ugu sarraysay adduunka oo dhan, waxaana xaqiiq ah in 90% kiisaska ugu badan ay ka diiwaan gashan yihiin Mareykanka iyo Yurub, taas oo tilmaan u noqonaysa in adduunyada inteeda kalena ay khatar u yihiin in cudurku ugu faafo si lamid ah Yurub iyo Maraykan.

Hay’adda caafimaadka aduunyada WHO waxay rajo wanaagsan ka muujisay in tirada kiisaska cusub ay hoos udhacayaan qaybo ka mid ah dalalka Yurub oo ay kamid yihiin Talyaaniga iyo Spain, hay’adda WHO waxay intaa ku dartay in xaaladda faafitaanka cudurku ay wali halkeedii joogto oo uu xiligan si weyn ugu baahay dalalka Ingiriiska iyo Turkiga.

WHOP warbixinteeda waxay ku caddaysay in adduunyada oo dhan uusan wali cudurku gaarin meeshii ugu sarraysay balse uu hadda joogo meel dhexe iyadoo ilaa iyo hadda aan la helin dawadii ku haboonayd ee looga hor tagi lahaa Crona Virus, waxayna ka digtay haddii cudurku uu gaaro meesha ugu sarraysa inay noqon doonto xaalad aan waxba laga qaban karin isla markaana uu dhibaato u gaysan karo in ka badan inta uu hadda saamaynta ku yeeshay.

Goobjoog News