U bood dhigaalka

Wiil Dhallinyaro ah oo Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta galinkii dambe wiil dhalinyaro ah ku dilay agaarka isgooyska Tarabuunka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa uu ahaa wiil dhalinyaro ah  oo shaqeysta  dhaqista gawaarida lagu dhaqo wadada dhinaceeda ..

Askariga ayaana wiilka weydiistay lacag 1$ baad ah oo ka qaado dhalinyarada goobtaas wax ku dhaqda  sida uu Goobjoog News u sheegay mid kamid ah dadkii goobjooga u ahaa dhacdada lagu dilay wiilka dhalinyarada ah.

Halkaan ka Daawo

 

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/263774528030068/?t=62