U bood dhigaalka

Wiil Soomaali Ah Oo Ku Guulaystay Gool Dhallinta Horyaalka Heerka Afaraad Ee Wadanka Sweden

Sheeko:Cayaaraha

Yoonis Cabdirashiid Egag wuxuu ka mid yahay naadiga Som United oo koox Soomaaliyed oo ka dhisan wadanka Sweden kana ciyaarta horyaalka afaraad ee Division 4,Yoonis Egag ayaa si weyn lagu yaqaanaa Sweden sababatoo ah waa xidiga sanadkan 2019 ku guulaystay gool dhalinta horyaalka heerka afaraad.

“Saddex sano oo aan u ciyaaray kooxdayda Som United waxaan u dheelay lixdan kulan waxaana mudaas u dhaliyay 84-gool waxay ii aheyd qibrad aad u wanaagsan iyo shaqo adag,balse da’daal adag ayaan qudhayda muujiyay”ayuu laacib Yoonis Cabdirashiid Egag ugu waramay Goobjoog Sports.

Tababaraha kooxda Som United Maxamed Cabdiqaadir Sheekhdoon ayaa sheegay in Yoonis Cabdirashiid Egag oo kale uu ku yar yahay isboortiga Sweden wuxuuna intaa ku daray in uu kaalin wanaagsan ka qaatay horomarka iyo heegsiga kooxda sanado badan oo u qaaday gool dhallinta.


Yoonis Egag kooxdeena kaalin wanaagsan ayuu ka qaataa sanad kasta ka macallin ahaan aad ayaan ugu mahadcelinaynaa maadaama uu xili ciyaareed kasta dhaliyo in ka badan 20-gool iminka wuxuu ka mid yahay ciyaartooyda ugu hadalheynta badan jaraaidyada ciyaaraha” ayuu Gooboog Sports ugu waramay layliyaha naadiga Som United Maxamed Cabdiqaadir Sheekhdoon.

Maamulka iyo macallimiinta naadiga Som United ayaa ku da’daalya sanadaha soo aadan in ay u soo gudbaan horyaalada heerka 2aad iyo 1aad ee dalka Sweden,iyagoo doonaya in ay sameeyaan taariikh weyn mustaqbalka soo socda,si ay u noqdaan kooxdii ugu horeesay oo Soomaali ah oo halkaa gaarta.

“Dhallinyarada soo koraysa ee iminka ku nool guud ahaan wadanka Sweden waxa ay ku daysadaan laacib Yoonis Cabdirashiid Egag,sababto ah isaga wuxuu u soo ciyaaray kooxaha badan oo ka dhisan magaalada Stockholm” ayuu markale Goobjoog u sheegay tababaraha Som United Maxamed Cabdiqaadir .

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Laacib Yoonis Cabdirashiid Egag

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/533776467193341/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle