U bood dhigaalka

Wiil Soomaali Ah Oo Loo Qabtay Weerar Ka Dhacay London

Sheeko:Dalka

Booliiska Ingiriiska ayaa sheegaya in wiil Norwejiyaan ah laakin asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya loo xiray weerar xalay lagu dilay haweeney laguna dhaawacay 4 kale oo ka dhacay magaalada London.

Booliiska ayaa waqti sii horeysay waxaa ay qabteen wiilkan 19 jir-ka ah, waxaana lagu hayaa Isbitaal ku yaallo koofurta London, waxaana la sheegayaa in maskaxda looga jiro.

Booliiska waxa ay sheegeen in ninkan aanu xiriir la laheyn argigixiso isla markaana aan lala xiriiri Karin dadka uu asal ahaan ka soo jeedo.

Goobjoog News