U bood dhigaalka

Wiilka Madaxweynaha Uganda: Aniga iyo ciidamadeyda laba isbuuc naguma qaadenyso in aan ku qabsanno Nairobi

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada militeriga Uganda ahna wiilka madaxweynaha dalkaas Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in aysan waxba la ahayn in uu qabsado Niarobi.

Qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka ayuu ku sheegay in uu aad uga xunyahay in sababa la xiriira dastuurka Kenya, darteed uusan markii saddexaad xilka madaxweynaha Kenya isku soo sharixin madaxweynihii hore ee dalkaaas Uhur Kenyatta.

Wiilka uu dhalay Museveni, ayaa sidoo kale sheegay in ay su’aallo ka taagan ka taagan tahay in Uganda ay ku duuleyso dhiggeeda Kenya.

“Annaga waxaan aminsannahay Kacaanka oo keliya, dhawaanna waad baran doontaan,” ayuu yiri general Muhoozi, oo ah Taliyaha ciidamada militeriga Uganda ahna wiilka madaxweynaha dalkaas.

Wilkaan oo qoraaladiisa ay baraha bulshada aad u qabsadeen ayaa sidoo kale sheegay in aysan laba isbuuc ku qaadaneynin ay qabsadaan ciidamadiisa Nairobi.

“Aniga iyo ciidamadeyda laba isbuuc naguma qaadenyso in aan ku qabsanno Nairobi”ayuu yiri general Muhoozi, oo ah Taliyaha ciidamada militeriga Uganda ahna wiilka madaxweynaha dalkaas.

Taliyaha ayaa sidoo kale ku katamay haddii ay ciidamadiisa qabsadaan Kenya halka uu jeclaan lahaa in uu ku noolaado Westlands iyo  Riverside, oo ka tirsan Nairobi.

“Ka dib markii ay ciidankeena qabsadaan Nairobi, halkee ayaan ku noolaan lahaa? Westlands? Riverside?”, ayuu yiri markale taliyaha ciidamada militeriga Uganda.

Hadalka ka soo yeeray taliyaha ciidamada militeriga Uganda, ayaa layaab ka abuuray baraha bulshada ay ku xiriirto, waxaana dadka qaar ay ku tilmaameen hadal kaftan ah.

Goobjoog News