U bood dhigaalka

Wikipedia Ma Aha Isha Macluumaadka Saxda ah ee Lagu Kalsoonaan karo, 6 ilood oo Bedel u ah Ardayga Soomaaliyeed

Sheeko:War

Haweenaydii hore ee isku soo sharraxday xilka madaxweynaha Faransiiska 2006, ee  Segolene Royal ayaa dhacdo caan noqotay, waxay macluumaad ka soo xigatay Wikipedia, taas oo ahayd, nin la yiraahdo “Leon Robert De Olstran” geesi, kaas oo ay kaga sheekeeysay inuu ahaa shakhsi ku dayasho mudan kuna caanbaxay diidmada in laga ganacsado bani’aadamka xilligii is addoonsigu dunida si xoog leh ugu badnaa.

Arday arrinkan u dhabo gashay oo baaritaan ku sameysa ayaa ogaatay in Segolene Royal ay ka soo xigatay shakhsigan Wikipedia muddo Saddex sanno ahna aan dib u eegis lagu sameyn, sidaa darteedna aanuu ahayn shakhsi jira, macluumaadka ay soo xigatayna uu ahaa mid khalad ah.

Wikipedia cid kasta ayaa macluumaadka ku jira wax ka bedeli karta, dadweynaha ayay u furan tahay, sidaa si lamid ah marka aad rabto inaad wax ka bedel ku sameyso uma baahnid inaad iska diiwaangeliso webside-ka rasmiga ah ee Wikipedia, arrintaasina waxay noqotay arrin aad loogu ceebeeyo mareegtan oo ah kuwa ugu ballaaran ee laga baarto macluumaadka la baadi goobayo ee dunida.

Dadka shaqaalaha rasmiga ah ka ah Wikipedia in kastoo ay ku masquulsan yihiin sidii ay u xaday lahaayeen khaladaadka soo noqnoqday ee lagu arko ayaa hadana waxaa wali jira khaladaad aan xuduud lahayn oo marka xaqiijin la sameeyo ama dib loo baaro ka soo baxay macluumaadka ay faafiso Wikipedia.

Hadaba, iyadoo ay jirto in Wikipedia ay tahay mawsuucada ugu ballaaran ee dadweynuhu ka qeybqaataan macluumaadkana lagu keydiyo ayaa hadana waxa jira in macluumaadka ku jira lagu tilmaamin tixraac lagu kalsoonaan karo, sidaa darteed macallimiinta Jaamcadaha dunidu way diidaan iney ardaydoodu soo xigtaan Wikipedia, marka ay cilmibaarista ku jiraan amaba buugga qalinjabinjabinta jaamacadda ay diyaarinayaan.

Sidaa darteed, waxaa jira meelo kale oo muhiim ah oo laga helo macluumaadka saxda ah ee la isku halleyn karo bedelna u ah Wikipedia, waxaa ka mid ah:

1-  Mowsuucada weyn ee Encyclopedia Britannica

Waa tan kaliya ee la yiraahdo waxay la tartantaa Wikipedia, dhanka goobaha ay gaarto, mana ah mid meel qura ku kooban sida Encyclopedia-kale ee dunida oo intooda badani meelo gaar ah ku kooban. Mowsuucadan wax laga baaro ee Britannica 80% inteeda badan waxay ahayd mid lacag ah oo aan bilaash ahayn laakiin hadda xaalku sidaa wuu ka duwan yahay.

2- Mowsuucada Culumada ee Encyclopedia  Scholarpedia

Waxay aad ugu eegtahay Wikipedia dhanka adeegsiga baarnaamijyada oo ay isku mid ka yihiin, laakiin waxaa jira waxyaabo badan oo ay ku kala duwan yihiin, qormooyinka waxaa sameeyay Scholarpedia dadka khubaro ah oo takhasas u leh waxay qorayaan, waxaa ka mid ah 16 caalim oo ku guuleystay shahadada dhanka cilmiga ugu sarreysa ee Nobel Prize, sidaa si lamid ah waxaa tifaftira culumo kale oo dhiggooda ah, sidaa soo kale waxaa jira kormeer guud oo lagu sameeyo qoraallada lagu mowsuucadan.

Mowsuucadan laakiin waxay kooban tahay marka laga eego goobaha laga heli karo iyo luqadda lagu daalacan karo, waxaad ku heli kartaa oo kaliya luqadda English oo kaliya, waxayna ku kooban tahay oo qura dhanka cilimiga, sida; Astrophysics, Astronomy, Mechanics, Computer Science, Neuroscience, Computational Intelligence iyo Physics Systems.

3- Ancient History Encyclopedia

Mowsuucadan ayaa si gaar ah xoogga u saartay taariikhdii hore ee dunida waana tan ugu ballaaran ee Internetka laga helo, waxaana lagu daalacan karaa si bilaash ah ama lacag la’aan.

4- Internet Encyclopedia of Philosophy

Mowsuucadan waxaa ka shaqeeya 200 oo qoraa ah oo haystay shahaadada ugu sarreysa ee P.H.D, Pro. Jaamacadeed oo caan ah, kana soo kala jeeda dunida daafaheeda, waana tan ugu fiican ee dhanka Philosophy-ga.

  1. Stanford Encyclopedia of Philosophy

Waxay ka mid ah mosuucaadka ugu sarreeyay dhanka soo gudbinta macluumaadka lagu kalsoonaan karo, sidaa soo kale waa bilaasha, waxaa qoraalladooda soo daaca dadka khubaro ah, waxaana dib u eegis ku sameeyo kuwo kale oo dhiggooda ah.

6- The Canadian Encyclopedia

Mowsuucadan ayaa la aasaasay sideetamaadkii qarnigii hore, markeedii ugu horreysa waxaa wax ka bilaabay 3000 oo qoraa oo ahaa kuwa adduunka ugu heer sarreeya, xaqiiqo kasta oo lagu qorayo waxaa saxiixayay baaraha dhabta ah ee soo xaqiijiyay, xigashadu waa iney ahaato ugu yaraan Saddex ilo oo kala duwan, maqaal kasta oo lagu qoro waxaa dib u eegis ku sameeya 3 cilmibaare oo kala madaxbanaan.

Waxaa lagu qoraa luqadaha English-ka iyo Francis-ka 60 maqaal oo cusub ayaa bil kasta kusoo kordha, dadka soo booqdana waxaa lagu qiyaasaa 6 milyan oo qof, waxaanad ku heli kartaa si bilaasha ah.

Ugu dambeyn, haddii Wikipedia, waxaa isweydiin leh ardayda Soomaaliyeed iyo macallimiintuba ma ka warhayaan heerka kalsoonida macluumaadka Wikipedia mise waxay tahay isha ugu muhiimsan ee ay kasoo xigtaan macluumaadka marka ay qorayaan buugga qaalin jabinta jaamacadda?