U bood dhigaalka

William Ruto: Argagaxiso Ayaa Gambaad Ka Dhigata Xeryaha Qaxootiga

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto oo ka qeybgalaya shirka looga hadlayo arrimaha bini’aadanimada ee ka dhacay dalka Turkiga ayaa sheegay inaan laga laabaneyn go’aanka dowladda Kenya ay ku gaartay in dib loogu celinayo qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya jooga.

Isagoo ka hadlayey shirkii looga hadleyey arrimaha bini’aadanimo ee ka dhacay dalka turkiga ayaa wuxuu u sheegay madaxweyne ku xigeenku madaxda caalamka oo uu ka mid yahay xoghayaha Qaramada Midoobay Banki Moon in Kenya aysan xamili Karin culeyska ka saaran qaxootiga.

“Taageerada beesha caalamka waxay ahayd mid aad u yar oo aan nidaamsaneyn taasoo keentay culeys aan dheelitir lahayn oo ku yimid qaar ka mid ah wadamada Afrika gaar ahaa dalka aan deriska nahay ee Soomaaliya  iyo gaar ahaan Kenya”.

William Ruto wuxuu ka sheegay shirka in dad dambiileyaal ah ay kusoo dhuuntaan xeryaha qaxootiga islamarkaana ay ka dhigteen meel dadka lagu baro afkaarta xagjirnimada iyo weliba goob ay argagixisadu ay saadka ka qaadato.

“Waxaan ognahay inaan ku socono meel baaxadda arrimaha bini’aadanimo ee ka jirta xeryaha qaxootiga ay halis ugu jirto shaqsiyaad amni darro wada oo ay ka mid yihiin kooxo argagiciso ah iyo shabakadahood”.

Ruto  wuxuu meesha ka saaray in kenya ay ka tilaabsaneyso waajibaadkeeda caalamiga ah iyadoo xireysa xeryaha dalka ku yaalla taasoo ah shaki ku  imaan kara qaxootige Kenya jooga in ka badan 20 sano.

“Sanad kasta Kenya waxay qarashgareysaa saddex boqol iyo kunton kun oo dollar si ay ugu maareyso xaaladda qaxootiga  iyo boqolaal kun oo aan ku qarashgareyno AMISOM oo dooneysa inay nabadeyso Soomaaliya”.

William Ruto madaxweyne ku xigeenka Kenya wuxuu ku ugu baaqay bulshada caalamka inay taageeraan Soomaaliya sidii ay u cagaheeda ugu istaagi lahayd.

Goobjoog News