Cabdi Yare Xasan oo dhowaan kusoo biiray Jubbaland, kadib markii uu kasoo baxsaday Al-shabaab ayaa la sheegay in xalay uu dilay askari ka tirsan maamulkaasi isaga oo dib ugu laabtay ururkii uu markii hore ka yimid ee Al-shabaab. Cabdi Yare ayaa Febraayo 2018 wuxuu usoo galay Jubbaland, isaga oo la geeyey Kismaayo, balse dib loo siidaayey, kuna biiray laanta socdaalka ee B/xaawo. Xalay ayuu askari Jubbaland ah wuxuu ka codsaday inuu usoo raaco dhanka magaalada, kadibna waxaa la xaqiijiyey in madaxa uu dhowr xabadood uga dhuftay uuna raacay rag kale oo Al-shabaab ah, kuwaasi oo ku sugayey bannaanka magaalada, wuxuuna horey usii qaatay qorigii uu watay askariga dhintay. Xaaladda magaalada B/xaawo ayaa aad u kacsan, waxaana maamulka degmada ay haystaan ninkii markii hore soo damiintay Cabdi Yare. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News