Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigenka 1-aad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed oo ay ku jiraan xildhibaanno labada aqal ee baarlamaanka 10-aad ayaa ku sii jeed Magaalada Cadaado. Mas’uuliyiintan ayaa ah kuwii laga soo doortay deegaannada Galmudug waxaana lagu wadaa in ay la kulmaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaaalada Cadaado. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare waxaa ku wehliya safarkiisa xubno ay ka Mid yihiin Cabdiraxmaan Odowaa iyo Saabir Nuur Shuuriye oo labadaba ka mid ah golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ujeedada Safarka ee guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare Abshir bukhaari ayaa lagu sheegay in uu la xariiro xarig ka jaridda Mashaariic horumarineed iyo ariimaha Maamulka Galmudug. Garoonka Magaalada Cadaado waxaa ku sugan Xildhibaanno Wasiiro ka tirsan Maamulka Galmuduga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka kuwaasi oo sugaya soo dhoweynta guddoomiyaha iyo Wafdigiisa. Goobjoog News