Bangiga Adduunka oo todobaadkan soo saaray warbixintiisa 3aad ee dhaqaalaha Soomaaliya ayaa ka digay in loolanka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada uu dib u dhigo karo ama carqaladeyn karo hannaanka cafinta deymaha Soomaaliya. “Dib u dhaca ku yimaada hagaajinta dhaqaalaha ee u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo maamuulada xubnaha ka ah waxaa uu dib u dhigi kartaa inuu caadi noqdo xiriirka Soomaaliya iyo hey’adaha ku shaqada leh hannaanka ceymaha lagu cafiyo, waxaa kale oo kale dhalan kara in ay Soomaaliya seegto barnaamijka uu deymaha ku bixiyo bangiga adduuka ee (IDA), waxaa kale oo meesha ka bixi-doonta inay dunida maal-geshato Soomaaliya” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal uu Ganacsiga Dunida Ugu Hooseeya: Qoraalka waxaa lagu sheegay in dalka uu warashado la’aan yahay, oo ay wehliyaan dhibaatooyin ammaan iyo duruufo meesha ka saaray maal-geshiga shisheeye. Soomaaliya waxay kaalinta ugu danbaysa ka gashay dunida heerka ganacsiga marka loo eego dunida inteeda kale sanadkii 2017. Dhibaatada ugu weyn waxaa qayb ka ah arrimaha la xiriira korantada, taasoo qiimaheedu aad u sareyo iyadoo 1 kw uu yahay qiimahiisu 0.50 ilaa 1 dollar, iyadoona ay ku xiran tahay saacadda iyo magaalada aad joogo oo qiimo ahaan ay u kala duwan yihiin, arrintaani si weyn ayey ganacsigii inuu hormaro u xanibtay, Kororka dhaqaalaha ee dhowanahan jiray ma ahan mid ku filan inuu yareeyo  saboolnimada. Intii u dhaxaysay 2013 ilaa 2017, kororka dhaqaalaha wax soo saar ee wadanka cel celis ahaan wuxuu ahaa 2.5%, halka kororka tirada dadku sanadkii ahayd 2.9%. Tani waxay tilmaamaysa in qofkiiba kororka dhaqaalaha ee ku aadayaa uu yahay 0.3 sanadkii. soo bandhigistaan waxay aad uga hoosaysa cel celiska wadamada ka hooseeya saxaaraha afrika ee iyagu aadka u nugul iyo wadamada kale ee dakhliga dadkooda soo gala hooseeyo. Dhinaca Soomaaliland, oo xogta laga helay la is barbardhigi karo, heerka saboolnimadu waa weli waa mid aad u koraysa marka la eego xogta laga helayo intii u dhaxaysay 2013 ilaa 2016, iyadoo hoos u dhaceedu aad u yaryahay, waxayna ahayd 69% halka ay hoos ugu soo degtay 64% meelaha miyiga iyo 57% oo ay ahayd meelaha magaalooyinka hoosna ay ugu soo degtay 52% Qiimaha shidaalka ee aadka u sareeya 2018 iyo ka horba wuxuu si xun u dhaawacay rajadii koror ee dhaqaalaha Soomaaliya. Qiimaha shidaalku waa la filayaa inuu kor uga sii kaco wax ka badan $60 foosatadii inta u dhaxaysa 2018 ilaa 2019, wuxuuna kor u kacay 20% sanadkii 2017. Abaartii 2017 waxay uga sii dartay isu miisaanka ganacsiga ee dhinaca dakhliga wax soo saarka guud ee wadanka 9%.Waxaykeentayinganacsiguuusan kordhina, iyadoo dhoofka xoolaha la joojiyey iyo iyadoo xadiga cunada la soo dejinayaa ay korortay. Waxaa yaraaday wax dhoofintii iyadoo ahayd 15.1 wax soo saarka guud ee wadanka sanadkii 2016, halka ay ka noqotay 14.5% sanadkii 2017, alaabooyinka wadanku dibadda ka soo dhoofsanayo ayaa kordhay, iyadoo horay uga ahayd wax soo saarka guud ee wadanka 61.9%, waxayna gartay 69.6% isla wakhtigaan aan kor ku soo sheegnay. Abaartu sidoo kale waxay baabi’isay dhoofkii xoolaha. Waxayna yaraysay tayadii xoolaha la dhoofin kari lahaa 75%, xoolaha ayaana ahaa udub dhexeedka iyo sheyga ugu balaaran ee Soomaaliya ay dibadda u dhoofiso, iyagoo ahaa 70% waxa soomaaliya dibadda u dhoofiso, waxayna hoos u dhaceen 75%, sanadkii 2015 Soomaaliya waxay dhoofin jirtay 5.3 milyan oo neef oo xoolo ah sanadkii, waxayna sanadkii 2017 hoos ugu soo dhaceen xoolaha wadanku dhoofiyo 1.3 milyan oo neef. Waxaa kordhay waxa la soo dejinayo, waxay kor u qaaday qayb ahaan cunooyinka la soo dejinayo si jawaab loogu helo abaarta. Goobjoog News