U bood dhigaalka

Wufuud La Filayo Iney Maanta Tagaan Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Axad ah ayaa waxaa la filayaa in magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose tagaan wufuud kala duwan, kuwaasi oo doonaya iney ka qeybgalaan caleema-saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Sida wararka aanu ka heleyno waxaa Kismaayo ku wajahan, siyaasiyiin, xildhibaanno iyo marti sharaf kale, kuwaasi oo lagu casuumay ka qeybgalka caleema-saarka madaxweynaha Jubbaland.

Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in wufuuddan ay ka kala tagi doonaan magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, waxaana jira kuwo kale oo dhanka Nairobi ka imaan doona.

Shalay waxaa Kismaayo gaaray madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo K/galbeed, waxaana diyaaraddii ay la socdeen saarnaa sidoo kale xildhibaanno.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News