U bood dhigaalka

Wufuudda Dowladda Federaalka ah iyo Somaliland oo Kulmay

Sheeko:Amniga

Waxaa dalka Djibouti ku kulmay wufuuddii ka kala socotay dowladda federaalaka ah iyo Somaliland iyada oo ay goobjoog ka yihiin madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo ra’isul wasaare Abiy Axmed.

Waxaa goordhow bilowday khudbadaha madaxda, waxaana lagu wadaa iney hadlaan madaxweynaha Djibouti, madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynaha Somaliland iyo ra’isul wasaaraha Itoobiya.

Kulankan furitaanka ayaa xoogga lagu saarayaa sida iskaashi u yeelan lahaayeen dalalka geeska Afrika arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo qaar kale.

Goobjoog News