U bood dhigaalka

X/Joogtada Ah Ee Wasaaradda Batroolka: Soomaaliya Uma Diyaarsana Bixinta Laysan-ka Shidaal Qodista

Sheeko:Dalka

Soomaaliya, ma lahan awood iyo shuruucdii ay shirkadaha caalamiga ahi shidaal uga qodan lahaayeen dhulkeeda, heshiis baratan ama laysan bixin ah oo Febraayo sanadka dambe la galaa, waxaa uu keenni karaa dhaawac masaalixda dalka, isla markaana ay cararaan maal-geshedayaasha, sidaas waxa lagu sheegay qoraal la soo gaarsiiyey Goobjoog News.

Qoraalkan uu soo saaray xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda Batroolka ee xukuumadda federaalka ah Jamaal Mursal, waxaa uu leeyahay in iib-geynta Bloogyo iyo bixinta laysanka shirkadaha aan loo marin shuruucda dalka iyo xataa awooddiisa.

Jamaal waxaa uu sheegay in shaqaalaha wasaaradda Batroolka ee xukuumadda federaalka aaney heysan tababar iyo aqoon ku filan oo ay gorgortan ku galaan, heshiisyo shirkado shidaal kula saxiixdaan, kuna ilaaliyaan maslaxadda dalka.

Mr. Mursal waxaa uu carabaabay inay haboontahay in si fiican looga wada hadlo sharciga Batroolka iyo Macdanta, la turxaan bixiyo, oo aanan lagu degdegin ansixintiisa. Wuxuu soo jeediyey in aan la qaban “bid rounds” ama shirkadaha aan la siin laysanka  inta aan la meel-marin sharciga canshuuraha, siiba qeybta shidaalka iyo macdanta.

“Iyada oo aaney jirin sharciga Canshuuraha, waa adagtahay inay shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka (IOCs), ay heshiis dheer la galaan Soomaaliya” waxaa yiri Mursal.

Waxyaabaha uu jeediyey Jamaal Mursal waxaa ka mid ah “ In dhammaan sharciyadii hore dib loogu noqdo, loona qabto khubaro aqoon leh oo Soomaali iyo Ajaanib ah, in la sameeyo hey’adda Somali Petroleum Authority(SPA), oo welina hey’addan (SPA) la waafajiyo sharciga canshuurka iyo midka Batroolka iyo Macdanta.

Xogheyaha joogtada ah ee Wasaaradda Batroolka Jamaal waxaa uu soo-jeediyey in la dhiso maamulka kheyraadka(Council of Natural Resurces).

In la sameeyo hab maamul kheyraadka ka soo xarooda Batroolka sida kan hadda xarooda ee Datada ama xogta wadanka ee la iibiyo, sida kan ay heyso Spectrum ama CGG taas oo hadda wasaaradda uun iska maamusho.

In lacagaha Surface Sharge ee Shell dib loo xisaabiyo, lana ogaado halka ay ku dhacayaan, oo aysan gelin gacan shakhsi.

In dhamaan heshiisyada la xiriira shidaalka iyo macdanta la hor geeyo baarlamaanka federaalka ah iyo hanta-dhowrka guud ee qaranka.

Todobaadkii tagay, Karar Doomey, agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka ayaa sheegay in Soomaaliya ay bixin-doono laysanka  shidaal baarista ee shirkadaha caalamiga.

“7bada Febraayo, waxaan London ku qaban-doonnaa xaflad laysanka lagu siinayo shirkadaha caalamiga ah, waxaana la bixin-doonaa 206 Baloog”, isaga oo intaasi raaciyey in inta xilligaas wixii ka horeeya ay diyaarin-doonaan wixii sharci ah.