U bood dhigaalka

Xaad “Khilaafka Gaalkacyo Wada Hadal Ha Lagu Xaliyo”

Sheeko:Dalka

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed ee Koonfurta iyo bartamaha dalka ayaa ka hadlay dagaalka ka soconaya dhanka galbeedka ee Gaalkacyo.

Nabadoonka ayaa sheegay in nabaddu ay tahay mid u dhaxeysa umadda dhan oo waxtar u leh, islamarkaana dagaalka Gaalkacyo la joojiyo.

“Haddaan nahay odayaasha dhaqanka waxaan leenahay yaan colaad la hurinin dadka Gaalkacyo ma kala guurayaan, marka waa in laga shaqeeyaa nabadda magaalada taas ayaana udub dhaxaad u ah dhammaan dadweynaha wada deggan” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Dhanka kale, Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa ku baaqay in si degdeg ah looga wada hadlo wax walba oo ka jira Gaalkacyo.

“Wixii khilaaf ah ee ka jira Gaalkacyo waxaan ku baaqeynaa in lagu xalliyo wada hadal iyo in dadku ay wada hadlaan, dadka iyo siyaasiyiinta waxaan leenahay joojiyo hadallada hurin kara colaadda, shacabku waxay doonayaan nabadda” ayuu mar kale yiri Nabadoon Xaad.

Dagaalka ka socda maalintii labaad dhanka galbeed ee magaalada Gaalkacyo ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh waxaana dhaawacyada la gaarsiiyay labada isbitaal ee ku kala yaalla koonfurta iyo waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa iminka yara deggan waxaana gudaha magaalada laga maqlayaa hubka culus oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan kuwaasoo maalintii labaad ku dagaallamaya dhanka galbeed ee Gaalkacyo.

Goobjoog News