U bood dhigaalka

Xaaf “Dowladda Federaalka Aad Ayeey Noo Gacan Bidixeysay”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay gacan bidixeysay maamulkooda.

Waxa uu tilmaamay madaxweyne Xaaf in dowladda federaalka aanay ka hayn muwaacinno iyo dhaqaale.

Sidoo kale, Xaaf ayaa ugu baaqay shacabka Galmudug iney isku tashi sameeyaan islamarkaana ay ka shaqeeyaan dib u dhiska iyo bixinta canshuuraha.

“Dowladda Federaalka aad ayeey inoo gacan bidixeysay, wax mucaawino ah kama hayno, dhaqaale kama hayno, hadda ka bacdi yeenaan ku tashan ee aan isku tashan, aan ka shaqeyno sidaan canshuur u uruurin lahayn, sidaan dib u dhis u sameyn lahayn, haddi beel caalam ka timid dowladda federaalka ayaa dhexda u joogta , noomana gacan furna” ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

Madaxweynaha Galmudug ayaa marar badan ku dhaliilay dowladda federaalka arrimo ku aadan farogelin iyo wixii la mid ah.

Goobjoog News