U bood dhigaalka

Xaaf: Galmudug Waa Mid Labo Ma Ahan Waqtigaan Laga Bilaabo

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in uu tanaasulay ka dib markii horey uu u qaadacay doorashadii uu ku soo baxay madaxweyne Qoorqoor waxa uuna tilmaamay in laga bilaabo waqtigaan Galmudug ay tahay mid islamarkaana aysan labo ahayn

Xaaf oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “Galmudug waa mid labo ma ahan waqtigaan laga bilaabo”

Sidoo kale madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle  Xaaf ayaa tilmaamay in Galmudug loo baahanyahay inay noqoto mid raysata, isaga oona hoosta ka xariiqay in Galmudug aysan haboonayn in ay dhibaato ku sii jirto.

“Ilaaheey waxaan ka rajaynayaa Galmudug in ay raysato dadka kuligood inay raystaan ayaa loo baahanyahay, Galmudug inay dhibaatada sii haysata looma baahna, qof walboow ogoow jidadka iyo dekadaha inaan dhisaan rabaa halkaas ayaan iska aadayaaa” ayuu ku sii daray Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Maalmihii la soo dhaafay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku sugnaa magaalada Gaalkacyo iyaga oo halkaasi kulamo kula qaatay Xaaf oo ay ugu dambeyn ku qanciyeen in uu tanaasulo islamarkaano uu tago caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa haatan u muuqda mid dhamaan isu keenaya saamileyda siyaasadeed ee maamulkiisa.

Goobjoog News