U bood dhigaalka

Xaaf: Intii Aan Jirnay Dowladda Ayaa Dagaal Nagu Waddey, Wixii aan Qabanana Feer iyo Haraati Baan ku Qabaneynay

Sheeko:Dalka

Axmed Geelle Xaaf, madaxweynaha Galmudug oo shir jaraa’id qabtay sabtidii ayaa sheegay inuu ka xunyahay dagaalka ka socda agagaarka Maxaas, isaga oo soo-jeediyey in xabad $1 joogta aanu dhimman wiil 20 jir ah, lana joojiyo dirirta ay ku dhimmanayaan dadka walaalaha ah.

Dhinaca kale, Xaaf waxaa uu ku eedeeyey dowladda federaalka ah faro-gelin“Waxaan rabaa in aan intaas ku daro, Galmudug 19-kii bilood ee ay jirtay waxaa la dagaalamayey dowladda federaalka ah, wixii aan qabanana feer iyo haraati baan ku qabaneynay, xoog iyo innaga oo lugaha iyo gacmaha nala heysto, innaga canshuurtii waa nalaka joojiyey, tii adduunka waa nalaka joojiyey, waxaa nooga sii daran maalin walba waxaa la soo diraa guddi fitno wado”.

Madaxweyne Xaaf waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay wyfuud ay dowladda u direyso maamulkiisa iyada oo aan lagala tashan, wuxuuna xusay in aanay waxbo soo kordhin karin.

Goobjoog News