U bood dhigaalka

Xaaf Oo Sheegay In Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS Ay Farogelin Ku Hayso Galmudug

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya, Farogelin ku hayso maamulkooda.

Waxa uu sheegay Xaaf, in wasaaradda ay horey u qabsatay Labo cisho, balse aysan wax jawaab ah soo siin iyaga oo ku sugan Muqdisho, sidaasi darteedna ay iyaguna u aadeen Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay u arkaan wax ay waddo wasaaradda arrimaha gudaha farogelintii horey looga digay.

“Waan wada aragnay wasiirka arrimaha gudaha, waan ballanay oo Labo berri ayuu inoo qabtay, war naguma soo celin annagane waan iska soo dhoofnay, arrinta uu hadda ku dhex jiro waxaan u aragnaa farogelin qayaxan..Galmudug waa xor baarlamaan bay leedahay wasiirro bay leedahay, ciddii shaqsiyaad ah oo bannaanka istaageysa iyada ayeey u taallaa” ayuu yiri Xaaf.

Hadalkan Madaxweyne Xaaf ayaa imaanaya xilli wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ugu baaqay madaxda Galmudug iney kusoo noqdaa Muqdisho si loo ambaqaado wadahadallada lagu xalinayo khilaafka ka dhaxeeya.

Goobjoog News