U bood dhigaalka

Xaaf Oo Xilka Laga Qaadey

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno 47 ah, oo maanta ka dooday mooshin ka dhan ah madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf ayaa ugu dambeyntii kalsoonida kala noqday madaxweyanaha.

Kulanka waxaa shir guddoominayey Cali Gacal Casir oo dorraad isna ay xildhibaanno ku shiray Dhuusamareeb ka qaadeen xilka afhayeenka baarlamaanka Galmudug.

Dhinaca kale, sida ay Goobjoog News warar ku heleyso Tiro ku dhaw 97 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa mooshin kalsooni kala noqosho ah ka keenay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay, Xildhibaanada ayaa madaxweyne ku-xigeenka ku eedeeyeen in uu burburinaayo maamulka Galmudug.

Goobjoog News