U bood dhigaalka

Xaaf: Soomaaliya Maanta Maalin Ay Ka Liidato Ma Jirto (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad adag, islamarkaana aysan jirin dalka maalin uu maanta ka liito.

Xaaf ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in loo istaago dalka difaaciisa iyo dadka nooleyntiisa.

Muqdisho ayuu sheegay in 30% jidadkeeda ay furan yihiin, jidkii furnaana ay ka dhaceen qaraxyo, taasi oo uu nasiib darro ku tilmaamay.

Waxa uu su’aal dul dhigay sida lagu sii badbaadi karo haddii talo aan meel la dhigan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News