U bood dhigaalka

Xaaf: Waxaan Jeclaan lahaa in Golahu Sameysto Ciidamo u gaar ah, Oo Laga Maarmo SNA

Sheeko:Amniga

Axmed Geelle Xaaf, madaxweynaha Galmudug oo ka hadlayey shirka 4aad ee golaha dowlad goboleedyada uga socda Garoowe ayaa ku dheeraaday sida ay dowladda dhexe u hurineyso dhibaatada Galmudug, gaar ahaan waxa ka socda Cadaado.

Madaxweyne Xaaf waxaa uu sidoo kale ku baaqay in dowlad goboleedyada ay sameystaan ciidamo u gaar ah, oo ay ka maarmaan ciidamada xoogga dalka, isaga oo arrintaasi ka hadlayo wuxuu yiri ” Waxaan aad iyo aad u soo dhoweynayaa, oo aan jeclaan lahaa in golaha iskaashigu uu sameysto ciidamo u gaar ah, oo innaga iyo Puntlad waan isku dhownahaye aan bilowno, Jubbaland iyo South west bilaabaan si aan uga maaranno ciidamada aan la gareyn meesha ay joogaan ee SNA la yiraaho”.

Shirka oo todobaadkan ka soconaya Puntland, waxaa kale oo looga hadli-doonaa qeybiga kheyraadka iyo arrimo kale oo muhiim u ah federaaleynta.

Goobjoog News