U bood dhigaalka

Xaaf: Xasan Cali Kheyre Waligiis Run Ma Sheegin

Sheeko:Dalka

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, madaxweynaha maamulka Galmudug garabka Gaalkacyo oo ka hadlayay arrimaha doorashada maamulkaasi ayaa sheegay in ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uusan waligiis run sheegin waxa uuna xusay in dekadda Hobyana aysan waxaba ka jirin dhismaheeda.

“Dekadda la idin yiraah waa la idiin dhisaa waa been waxba kama jiraan,  Xasan Cali Kheyre waligiis run ma sheegin batroolkii shalay la saxiixi lahaa isaga ayaa diiday” ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxa uu soo hadal qaaday doorashada maanta ka dhacaysa Dhuusamareeb isaga oo doorashadaasina ku tilmaamay in ay noqon doonto tii Cadaado ka dhacaday ee lagu doortay Axmed Baasto.

Madaxweynaha oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri “Doorashada ka dhaceysa Dhuusamareeb waa tii Cadaado lagu doortay Axmed Baasto oo kale midka la dooranaya waa midkii Baasto sameeyay ee Cadaado ka helay mana ka duwanaanayso tii Baasto”

Dhanka kale Madaxweyne Xaaf ayaa tilmaamay in ciidan federaala aysan joogin Galmudug isaga oo hoosta ka xariiqay in kuwa haatan jooga ay yihiin ciidan gobalka uu leeyahay.

“Federaal lama yiraah ciidan gabalkii laga qoray jooga gobalka ayaa iska leh waxaan ka digayaa oo aan u sheegayaa dhamaan ciidamada gobalka jooga waa Galmudug kulligood wax ciidana oo federal ah ma jiraan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xaaf

Waxaa isi soo taraya eedaha loo jeedinayo dowladda federaalka ee ku aadan hanaanka dowladdu u waddo doorashada galmudug oo maanta la soo gabagabeyn doono iyada oo maamulkaasina uu yeealan doono seddex madaxweyne

Goobjoog News