U bood dhigaalka

Xaafadaha Magaalada Muqdisho Oo Laga Mamnuucay In Maalmaha Ciidda Lagu Qalo Xoolaha

Sheeko:Dalka

War kasoo baxay Taliska ilaalada deegaanka Xamar waxaa lagu sheegay In maalmaha Ciidda aan Xoolaha Nool lagu qali karin xaafadaha magaalada Muqdisho, lana ogolyahay in lagu qalo oo  kaliya Kawaanka Bari ee magaalada Muqdisho.

Hadalkan Waxaa sheegay Talilyaha Ilaalada Deegaanka Xamar Cabdi Naasir Maxamuud isaga oo sheegay in tani ay kaga gol leeyihiin sare u qaadista nadaaafadda magaalada Muqdisho.

“Maanta oo ay bisha Toban  tahay waxaan dadka Muqdisho u sheegeynaa inaan Xoolaha lagu qali karin goob waliba marka laga reebo kawaanka Madiina iyo midka Bari, waxaan doonaynaa in Caasimaddu ay nadiif noqoto’’ Ayuu yiri Taliyuhu.

Cabdinaasir Maxmuud oo sii hadlaya ayaa sheegay in ciidamada ilaalada deegaanka Xamar ay ku amran yihiin soo qabashada cid kasta oo ka dhego Adeegta ammarka taliska.

“Ciidanka ilaaladu waxa ay ku amran yihiin in gacanta ay ku soo dhigaan cid kasta oo bilicada magaalada wax u dhibeysa, waxaana markii lasoo qabto aan la tiigsan doonnaa sharciga, ciddii banaanada iyadoo wax ku qalaysa la arkana waan ganaaxaynaa si ay dadka kale ugu quus qaataan’’ waxaa sidaas yiri taliyaha ilaalinta Deegaanka Xamar Cabdinaasir.

Dhowr mar tlisku waxa uu sheegay in nadaafadda Muqdisho ay wakiil ka yihiin gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir, lagana doonayo inay la shaqeeyaan ciidanka arrimahaasi shaqada ku leh.

Goobjoog News