U bood dhigaalka

Xaafado Ka Mid Ah B/weyn Oo Looga Qaxay Fatahaadda Webiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Magaalada B/weyn waxaa looga qaxay fatahaadda uu sameeyay webiga Shabelle, ka dib marii ay da’een roobab xoog leh.

Sida uu sheegayo weriyaha Goobjoog News xaafado badan oo ka mid ah B/weyn ayaa looga qaxay Fatahaadda biyaha, waxayna dadka ay ku suganyihiin duleedka magaalada halkaasi oo ay ku heysato daruufo la xiriira dhanka nolosha iyo hooyga.

Dadka u qaxay duleedka magaalada ayaa hadda waxaa ay cabanayaan  daruufo soo wajahay oo ay ka mid yihiin hooy la’aan.

Fatahaadda biyaha Webiga ayaa waxaa laga baqdin qabaa in ay ka dhashaan cudurrada faafa oo ay ka midka yihiin Shuban-biyoodka.

Waa sanadkii labaad oo magaalada B/weyn looga qaxo fatahaada wabiga, mana jirto ilaa iyo hadda cid dadkaasi gargaar u fidisay.

Halkan hoose ka daawo sawirrada.

 

 

 

 

 

 

 

Goobjoog News