U bood dhigaalka

Xaaji Maxamed Yaasiin “Heshiiska Dekadaha Ee Itoobiya Waa Lagu Degdegay”

Sheeko:Dalka

Siyaasi Xaaji Maxamed Yaasiin oo kamid ah siyaasiyiintii isku sharraxay kursiga madaxtinimo ee dalka sanadkii 2017 ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Goobjoog News kaga hadlay arrimo ku saabsan Soomaaliya.

Siyaasiga waxaa ka wareysanay xaaladda guud ee dalka wuxuuna sheegay in weli Soomaaliya aysan dhabbihii saxnaa cagta saarin oo la xiriira hoggaan wanaagsan.

Shirkii Baydhabo oo aan wax ka weydiinay wuxuu bogaadiyay rajada ah in dalka ay sanadka 2020-ka ka dhacdo doorasho cod iyo qof ah.

Heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya ay dhowaan ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho ayuu shaki weyn galiyay gaar ahaan qodobka dekadaha ay maalgashanayso Itoobiya isagoo tilmaamay in arrintaas lagu degdegay.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in colaadda ka taagan degaanka Tukarraq ay uga dhigan tahay dadka shacabka ah ee halkaas deggan dhibaato hor leh, isagoo ku eedeeyay hoggaanka Puntland iyo Somaliland inay colaadda u hurinayaan in ay xukunka sii heystaan.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Puntland ee waqtigiisu sii dhammaanayo in uu qorsheynayo in muddo kordhin uu sameysto oo la hareermaro sharcigii u yaallay maamulka Puntland kaasoo ah in shan sano kaddib la soo doorto madaxweyne iyo baarlamaanba.

Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa sidoo kale eed la xiriirta musuqa u soo jeediyay xukuumadda madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas isagoo sheegay in in makiinado lacagaha shillinka Soomaaliga lagu daabaco ay yaallaan magaalooyin ka mid ah Puntland.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

 

Mawduucyada:Gobollada