U bood dhigaalka

Xaalad Adag Oo Dhanka Nolosha Ah Oo Laga Soo Sheegayo Deegaanno Ka Tirsan Bakool

Sheeko:Dalka

Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool Aadan Cabdi Maxamed oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa ka waramay xaaladda nolosha deegaanno hoostaga degmadaasi.

Waxa uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka in xaalado adag oo dhanka nolosha ah ay ka jiraan deegaanno badan oo gobolka Bakool ah, wuxuuna hoosta ka xarriiqay inay jiraan waddooyin badan oo xiran kuwaasi oo sababay inay sare u kacdo maciishadda deegaannadaasi.

Sidoo kale mas’uulkan ayaa sheegay in xaaladahan ka jira deegaannada ka tirsan gobolka Bakool ay sabab u yihiin dagaallada ay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM kula jiraan Xarakada Al-shabaab.

“Dabcan nimanka cadowga ah waxaa laga saaray deegaanno badan, waxay haddana ku sugan yihiin Tuulooyin badan oo gobolka Bakool ah, waxaa jira degmooyin badan oo ciriir ay ku hayaan sida Waajid iyo Rabdhuure, ka maamul ahaan waxaa deegaannadaasi inooga qorsheysan in howlgalkii ugu dambeeyay aan halkaasi ka billowno, waxaan rajeynaynaa sida guddoomiyaha gobolka Bakool xaqiijiyey in la’isku furi doono dhammaan wadooyinka isku xira degmooyinka gobolka, waxaa jirta xaalad adag oo dhanka nolosha ah kana jira deegaanno badan oo gobolka Bakool ah, wadooyin xiran ayaa sababay in sare u kacdo qiimaha maciishadda” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab waxay ka wadaan deegaanno badan oo gobolka Bakool ah.

Goobjoog News