U bood dhigaalka

Xaalad Adag Oo Dhanka Noloshah Ayaa Laga Soo Sheegayaa Degmada Yeed, Gobolka Bakool

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha degmada Yeed ee gobolka Bakool Cabdi Faaqid oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay jiraan dhibaatooyin xagga nolosha ah oo kusii kordhaya dadka ku dhaqan degmadaasi.

Wuxuu sheegay in dhibaatooyinkaasi qaarkood ay keeneen in carruur uusan tiradoodu sheegin u dhinteen nafaqo darri soo wajahday.

Gudoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in gargaarkii dhawaan dalka keentay dowladda Turkiga aanay jirin wax kasoo gaaray, wuxuuna ku baaqay in dowladda Federaalka gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha inay eegaan sida loo maamulay raashiinkii dhanka Koonfur Galbeed loo diray.

“Degmada xaalad adag oo dhanka nolosha ah baa ka jirta, waxaa jirta carruur u dhimatay nafaqo darri baahsan, waxaan dooneynaa in kaalmo degdeg ah dadkaan lala soo gaaro,  midda kale gargaarkii Turkiga keenay annaga illaa hadda waxbo kama hayno, meello aan na quseyn sida Koonfur Galbeed baa la siiyey, wasaaradda arrimaha gudaha waxaan ka dooneynaa in dadkaan ku dhaqan Yeed soo caddeeyaan saamigooda meesha la geeyay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Deegaanno badan oo ka mid ah gobolka Bakool waxaa ka jirta xaalad adag oo dhanka nolosha ah, waxaana jirta deegaannada qaar inay go’doomiyeen Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News