U bood dhigaalka

Xaalad biyo yari oo laga soo sheegayo Xeraale iyo Balamballe oo ka tirsan Galgaduud

Sheeko:War

Xildhibaanadii dhowaan indho indheynta u tegay gobolka Galgaduud ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in gurmad deg deg ah ay la gaarto dadka ku nool gobolkaasi.

Xildhibaan Nuur Faarax oo ka mid ahaa  xildhibaanada  tegay dagmooyin ka tirsan gobolka Gaslgaduud oo u  waramayay  Goobjoog FM ayaa sheegay in xaalado adag oo dhinaca nolosha ah ay ka taagan yihiin  Galgaduud,  taasoo u baahan in si dhaqse ah wax looga qabto.

Xildhibaanka ayaa xusay in socdaal uu ku soo maray Caabudwaaq, Xeraale iyo Balamballe uu ku soo arkay xaalad bani’aadanimo oo aad u liidata, gaar ahaan baahida dadku ay u qabaan biyo iyo dawo.

Xildhibaanka oo haatan ku sugan  Muqdisho ayaa sheegay inay ku guulaysteen howshii ay halka u tageen, isagoo dadka Caabudwaaq ku amaanay heshiiskii ay ka gaareen khilaafkooda.

 

codaka xildhibaan Nuur Faarax