U bood dhigaalka

Xaalad Adag Oo Dhanka Nolosha Ah Ayaa Laga Soo Sheegayaa Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sheegay in xaalad bini’aadannimo oo aad u adag ay ka jirto degmadaasi.

Ibraahim Maxamed Nuur Shikshigow oo ah guddoomiyaha degmadaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaalad adag middii ugu darneyd ay ka jirto degmadaasi, dadkuna yihiin kuwo gurmad u baahan.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in degmadaasi aanay soo gelin gaadiidka kala duwan kadib markii Al-shabaab ay xireen waddooyinkii degmadaasi soo galayey.

Sidoo kale guddoomiyaha waxa uu sheegay in sare u kac ballaaran uu ku yimid qiimaha la kala siisto raashiinka dadka qaarna aanay awoodin qarash ay raashiin ku iibsadaan.

“Waddooyinkii soo galayey degmada Diinsoor waa ay xiran tahay, xaaladda dadka waa mid u baahan in degdeg wax loogu qabto, waddooyinka waa ay xiran yihiin, dadkuna haddii aysan helin gurmad raashiin ah waxaa laga yaabaa in xaalad adag ay degmada kasii dhalato” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Diinsoor.

Al-shabaab ayaa xiray waddooyinkii galayey degmadaasi, mana jirto meel ay maraan raashiinka ganacsi ahaanta loo geyn jiray degmadaasi.

Goobjoog News