U bood dhigaalka

Xaalada deegaanka Deefow oo saaka degan

Sheeko:War

hiiraan

Masuul u hadlay maamulka dowladda federaalka Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka gobolkaasi ay ka gaabiyeen soo afmeerida dagaallada salka ku haya qabaa’ilka ee ka taagan gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahin ayaa sheegay in   guul darro ay ku dhamaadeen dadaallo ay ku doonayeen in miiska wada hadalka ay isugu keenaan dhinacyada ku diriraya gobolka.

Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in wixii xilligan ka dambeeya odayaasha dhaqanka ay uga fadhiyaan in xal rasmi ka gaaraan xiisadaha gobolka ka jira.

Dhanka kale, deganaansho ayaa saaka laga dareemayaa deeganka Deefow ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo shalay mar kale ay ka dhaceen dagaal beeleed ay ku naf waayeen in ka badan 10 qof, tiro intaa la egna ay ku dhaawacmeen.

Dadka ku dhawacmay dagaaladaasi shalay waxa la gaarsiiyay isbitaalka magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan.

Wararka Goobjoog news